Boosaaso Online |
Qaybta
4aad MASABID
iyo MACNA TIRID Siyaasadda
Xabasha waxaa dhaqan u ah in ciddii aanay jeclayn ay u raadiso arrin
dacaayadeed oo lagu magacdilayo. Bartamihii Q13aad, Amxaaradu markay
ololaha ugu jireen inay xukunka ka qaadaan Agaw-ga waxay ku eedeeyeen
inaanay israa'iiliyiin ahayn. Ayagoo sheegtay Kibra Nagast waxaa ku
qornaa: 'Kuwa xukunka qabta oo aan Israa'iiliga ahayn, sharciga ayay
ku xadgudbeen' ( Tamrat 1972: 64 ). Isla ujeedadaas ayay u
shuhubeeyeen, si masabid ah, qaabkii uu ku dhashay Imaam Axmad. Islaamka oo aad
loo nicibyahay waxaa loo sawiray 'khatar joogta ah, boqortooyo shareed
oo aan dhammaad lahayn, lana dhalan rogi karin'. Gaalla ayagu waa dad
aan dhaqan lahayn, waxshi ah oo Q16aad Itoobiya kaga soo duulay
meelaan la garanayn. Culaab ayay ku yihiin Itoobiya. Ayaga iyo
waxshiyiinta kale ayaana hortaagan horumarkeeda (Baxter, Hultin &
Triulzi: 83-8). Muslimiinta Xabashiyoobay (Jabarti), inkastoo ay
degmooyin fara badan ku lahaayeen W. Itoobiya min bilowgii Islaamka,
waxaa lagu nabay addoonnimo, xaqna uma lahayn inay dhul yeeshaan (Trimingham
1965: 153). Soomaalida
waxaa lagu soo soocaa Islaamka, markaa waa quwad sharlow ah oo Q16aad
baabi'isay xadaaradda Itoobiya. Waqtiyadii danbe laba qaab ayay
Ityoobiya u martay macna tiridda Soomaalida: 1) Inkiridda
iyo dhalan rogidda taariikhda Soomaalida: Ingiriiska iyo Yurubta kale
waxay 1873 ka garaysan waayeen Yohannes-kii Tigray in Masar dhul ka
qabsatay. Ka bacdina Yohannes oo khadiifkii Masar ku tilmaamaya
beenlow, meelaha uu sheegtay in laga qabsaday waxaa ka mid ahaa
Soomaali (Rubenson 1976 303 & 305), asagoo dabcan u jeeday Harar
iyo Saylac. Ilaa qaybo Soomaali ahi ay xoroobeen 1960, Itoobiya waxay
adduunka ka dhaadhacsiinaysay inaanu jirin qaran Soomaaliyeed.
Taddasse Tamrat oo loo xilsaaray qaybta Geeska Afrika ee 'Cambridge
History of Africa', wuxuu qaybtaas cinwaan uga dhigay "Ethiopia
and the Horn"! 2) Soomaalidu
waa reer guuraa aan xuduud aqoon: Arrintaas oo ay ka bowsatay
Ingiriiska, Itoobiya waxay uga jeedday inay ku shuhubayso xuduudda ama
muwaadinnimada Soomaalida. Xabashi ayaa asagoo ka hadlaya Soomaali
Galbeed u sheegay Yurubi "fallaagadani ma aha Xabashi, waxaanna
ku farxi lahayn inaan ka takhallusno", (Farago 1935: 273). Mid ka
mid ah taariikh qorayaasha Itoobiya ee maanta, Soomaalida dalkiisu
xukumo erayadaan kooban ayuu ka soo qaaday 'xoola dhaqato aan
aqoonsanayn wax xuduud ah' (Zewde 1991: 20). Xayle Selaase laftigiisu
1956 wuxuu sheegtay: 'Itoobiya ixsaan ayay u samaysay Soomaalida,
markay u ogolaatay inay xoolahooda daaqsadaan dhulkeeda' . Ma garan
karno xuduuda Ingiriiska iyo Xabashidu u jeedeen, mar haddaan cidina
ka filayn Soomaalida inay aqbalaan waxay ka hadlayaan. Xabashidu way
ogyihiin soomaalidu dhaqan ahaan inay ka hab nololeed sarreeyaan.
Horey ayaa kuwa lagu tilmaamay kuwa ugu ilbaxsan madaxdoodu, u
muujiyeen walaaca ay ka qabaan Soomaalida oo ka hab nololeed sarreeya,
marka la fiirinayo arrimaha isu dhigma, (Drysdale 1964: 44). Laakiin
ka hadlidda hab nololeedka Soomaalidu wuxuu ahaa xeelad siyaasadeed. Maamulka
Itoobiya ee maanta, wuu ogsoonyahay falalka kaliya ee argagaxisnimo ee
ka dhaca G/Afrika in laga soo abaabulo Addis Ababa. Ayagoo ku dhaca
Soomaalida, Oromada iwm. Ka hadlidda waxyaalaha ay ka mid yihiin:
asalraaca, xagjiridda, argagixisada iwm., waa xeelad ay canbaareyn ugu
raadinayaan cid aanay doonayn soo bixitaankeeda. Sidii Seerbiyiintu u
sheegteen inay ka hortagayaan asal raac, markay gumaadayeen
Boosniyiinta, ayaa Itoobiya soo amaahatay xeelad-dacaaayadeedka
caalamiga ah ee khatarta asal raaca khayaaliga ah. Waa arrin u
baahan in jawaab loo helo: marka Itoobiya ay xaq u yeelatay inay
Soomaalida u sheegto qaabka ay Ilaah u caabudayaan, qaabka ay u
dhisayaan dawladdooda iyo kuwa ay madax u dooranayaan! V)
MIKYAAFELLINNIMO (Michiavellism)
Habdhaqanka
siyaasadeed ee Xabasha waxaa lagu tilmaamay si walba u yaal.
FitzGibbon wuxuu qaabkaas ku tilmaamay isa soo oohin, ama is hoos
dhigidda cidda markaas ay wax uga baahantahay. Marka laguu baahanyahay
waxaa tahay wax kasta; ha yeeshee markaan laguu baahnayn ma mudnid wax
naxariis ah. Haddii aanay waxba ku jabneyn in asaasihii qaranku ku
dhashay macsi, soona xaday Taabuutkii, mabda' ahaan ma jiraan wax ka
xaaraansan qaranka. Sharci ahaan, mandiq ahaan iyo damiir ahaan ma
jiraan wax xadidaya qaabka ujeedada lagu gaarayo. Markii EPRDF-tu 1991
soo fidayeen, dadka Soomaali galbeed waxay u sheegeen: Jabarti ayaan
isla nahay. Si ay u qaldaan halganka Oromada xabashi badan ayaa
waayahaan bilaabay inay sheegtaan Oromo. Waa arrin iska caadi ah
markay joogaan dal muslim ah inay sheegtaan diinta iyo magacyada
Islaamka. Mesfin Wald Maryam oo ka mid ah buuniyaasha jaamicadda Addis
Ababa, 1948 wuxuu qoray " Soomaalidu dhimasho ayay ka xigaan soo
noqoshada isticmaarkii Talyaaniga, taasoo ay ku muujiyeen goobtii 11
Jan. 1948". Ha yeeshee 1977, asagoo kaashanaya Sven Rubenson,
waxba kamuu qabin inuu isburiyo. Marakan waxay qoreen: 'Soomaalida
xornimada waa loogu deeqay, oo wax cudur daar taariikheed ah uma laha
xornimadooda --- Si arinnimo ah ayay u aqbaleen xukunkii Talyaaniga
1950-60 kii. Muxuu yahay halganka xornimo ee Soomaalidu waligood
sameeyeen? Waa arrin shaki leh hadduu jiro wadan kale oo Afrika ka mid
ah oo xorriyaddiisa ku helay sahalka ay Soomaaliya ku heshay oo kale.
Halganka kaliya ee dadka Soomaalidu yaqaannaa waa midka u dhexeeya
qabaa'ilka kala duwan. Dan kama lahayn oo aad ayay u rabeen inay
shirkad u dhiibaan naftooda iyo dalkooda' (A. Hussein fii Adam &
Geshekter 1982: 610). Halkan la
yaabku ma aha inuuna Soomaalida dib u dhac fara badan ka soo gaarin
isu muuqashadooda aan macnaha ku fadhiyin. La yaabkuse wuxuu yahay
sida sahalka ah oo loo munaasabadeyn karo fakarka Xabasha, iyo sida
sahalka ah oo ay isu diidsiin karto taariikhda Soomaalida oo leh
halgan ka mid ah kuwa adduunka ugu dhiig daadashada badan uguna dheer.
Mesfin iyo saaxibkii kaliya waxay ahaayeen wax soo saarka falsafad
siyaasadeed oo si walba u taal ah. Marka 4-tii dal ee waaweynaa 1949
ay go'aaminayeen in Soomaaliya dib loogu cesho Talyaaniga, Xayle
Selaase wuxuu ku eedeeyay 'inay ku tumanayaan mabaadi'da aaya ka
tashiga ummadaha, taasoo si cad Soomaalidu u muujiyeen', (Sauldie
1987: 16). Aaya ka tashiga
ay ka hadlayeen oo macnihiisu ahaa in Soomaalida oo dhammi hoos
timaaddo xukunka Itoobiya, wuxuu ka mid ahaa olole Itoobiya ku madal
hufinaysay xorriyadda iyo midawga Soomaaliya. Madan Sauldie
oo dareensan dhaqankaasi wuxuu qoray 'Arrinta la yaabka lihi waxay
tahay su'aasha aaya ka tashiga Soomaalida, cidaan boqor Xayle Selaase
ahayni ma soo qaadin asagoo sida muuqata uga jeeday in Soomaalidu ku
biiraan Itoobiya. Waxaan ka la yaab yareyn, bariga Itoobiya ee
Soomaalidu degto magaalada Jigjiga markay SYL ayagoo muujinaya
xarakadoodii wadaniyadeed, diideen inay dejiyaan calankooda booliiska
Xayle Selaase xabbad ayay ku fureen ayagoo dilay 25 qof, ka bacdina
SYL waa la mamnuucay'. Sauldie wuu sii waday tusaalayaashiisa asagoo
xusay isku deygii Itoobiya ee 1950dkii iyo 1970dkii inay hor istaagto
xornimada Soomaaliya iyo Jabuuti (TH: 71). Taas waxaa la
mid ah, waxa loogu yeeray shirarkii dib u heshiinta ee 1990dka lagu
qabanayay Itoobiya, waxay ahaayeen xeelad lagu marin habaabinayo
fursadaha nabadda iyo dib u heshiinta Soomaalida. Sheekada ah
Soomaaliya gobollo ha isu dhisto waa waji kale oo shirqoolka lagaga
shaqaysiinayo. Haddii Meles iyo Sayuum arrintaa si dadban u qirteen,
Ermias ayaa u qirtay si qeexan. Wuxuu u sheegay ururka aan soo xusnay
in Soomaaliya loo qaybiyo gobollo yaryar oo Itoobiya dusha ka maamusho.
VI) MILID
iyo DUUFSI Si dadyowga
kale u aqbalaan qabsashadeeda, xoogga ka sokow, Xabasha afar qaab ayay
adeegsataa: Nasaareyn, guur, xayaysiinta xabashinnimada iyo
cambaareynta isirrada kale; iyo samaynta madax daba dhilif ah oo aan
sharci ahayn. Tan waxaa loo yaqaan "xeeladdeeda hiddaysiga ah ee
qeybi oo xukun". Waxaan soo xusnay sida Soomaalida/muslimiinta
dibu dhac weyni uga soo gaaray rag xukunka boobabaya oo Xabashidu
tasarruf ku yeelatay 1270aadkii, 1299, iyo 1332-62, ilaa wadaniyiintu
xukunka ku guuleysteen 1363. Tigray waqtigaas way ka soo horjeeday
taliskii cusbaa ee Amxaarada. Markaa waxay hoos timi Amxaarada markay
ayagu madax u sameeyeen. Boqorradii
Xabasha oo waqtiyadaas naaga badan guursan jiray waxay ku dadaaleen
inay guursadaan gabdhaha boqorradii ama ugaasyadii muslimiinta, si ay
u soo xera galiyaan. Arrin aad loo yaqaan waxay tahay Zara Yacquub,
1434-68, oo si uu u xalaalaysto qabsashadii Hadiya, guursaday gabar uu
dhalay garaad moxammedkii Hadiya. Arrintaa waxaa ka horyimi garaad
Maxiiko oo gabadha walaalkeed ahaa. Wuxuu isku dayay inuu Awdal
taageero u raadsado. Waxaase dagaal ku qabtay oo dilay taageerayaasha
aabihi iyo adeerki garaad Baamo. Ba'ada Maryam, 1468-78, asna wuxuu
guursaday laba dumar ah oo muslim ah oo mid uu dhalay garaadka Dawaro.
Gabadhaas oo gaalooday waxay noqotay boqoradda ugu taariikhda weyn
xabasha, talooyinkii ay ku biirisay awgood, waxayna dhashay Iskandar,
1478-94. Fasiladas, 1632-67, asna waxaa la sheegay ayeeyadii inay
muslim ahayd. Gobalka Wallo,
Oramada waqooyi, Moxammed Cali 1890dkii wuxuu isku dayay inuu diido
isfidinta Xabasha. Ha yeeshee Minilik ayaa u guuriyay gabadhiisii
Zawidu, ee uu kaligeed carruur ka lahaa aadna u jeclaa. Moxammed wuxuu
aqbalay markaa inuu noqdo raas Makaa'iilka gobalkaas. Gobana Daaju
wuxuu ahaa hogaamiye kale oo Oromo ah, oo waqtiyadaas khayaanay
dadkiisa ka bacdi markii Minilik duufsaday. Waxaan soo
xusnay cawaaqibka madaw ee ay dhaxalsiiyeen Soomaali galbeed koox
odayaal wax ma garada ah oo Xayle Sellaase duufsaday 1940dkii. Xayle
Selaase oo u sahan ah isku daygiisii madal hufinta xornimada
Soomaaliya ayaa 1956 booqday ilaa Qabri daharre. Wuxuuse ku naxay in
Soomaalida halkaasi wali quursanayaan Itoobiya iyo dhaqankeeda, una
baahan yihiin in looga tarjumo. Wuxuu soo jeediyay in Amxaarada iyo
Soomaalidu isguursadaan (Touval 1963: 144). Mar kale wuxuu ku amray
wakiilladiisa: u sheega xaasaskiinna shaqa la'aanta ah inay baraan
dumarka Soomaalida sida loo sameeyo cuntada Itoobiya. Addis Ababa
waxaa maanta ka furan machad lagu tababaro dhallinyaro la doonayo inay
kula noqdaan qawmiyadahooda afkaar xabashi-raac ah. Ka bacdi markay suurta gashay in Soomaaliya lagu burburiyo kooxo damiir laawayaal soomaali ah oo ku dhacay gacanta Itoobiya, dadyowga G/Afrika badankoodu waxay la heystayaal u noqdeen shirqoolkeeda. Samaynta khaa'iniin sharci darra ku dhisani, xilliga jaah wareerka, waa xeelad u helloon ujeedooyinka Itoobiya ee "qaybi oo xukun". waa socotaaa... Qaybta 5aad Back to main page |