Boosaaso Online |
Qaybta
5aad DAGAAL iyo DHAC
KU TIIRSANAAN Hab nololeedka
Itoobiya waxaa astaan u ah dagaal iyo faqri. Inkastoo ay sheegato inay
leedahay mid ka mid ah dawladaha adduunka ugu da weyn, haddana
dawladdaasi waa midaan ka fursan karin ku jiridda dagaal joogta ah,
dadkeeduna iska baddalin ahaanshaha kuwa ugu faqrisan adduunka. Isla
markaa Xabasha laftigeeda ayaa ugu faqrisan Itoobiya oo dhan, ayadoo
sababtu aanay ahayn mid la xiriirta dhulka (McCann 1987: 4). Sababaha
taariikh ahaan dadkaas baday faqriga joogtada ah, Harbeson ayaa sawir ka
bixiyay, asagoo xusay dhawr sababood: 1) Mas'uuliyiinta
waddankaas oo aan wax xil ah iska saarin horumarka nolasha dadkooda. 2) Nadaamka
bulsho ee waddankaasi wuxuu ka koobanyahay: madaxda dawladda iyo
kaniisadda, beeralay maxaysato ah iyo miliishiyo (chawa) joogta ah oo
laga qoro beeralaydaas. 3) Dadka oo
maskaxdooda, waqtigooda iyo wax soo saarkoodaba ay la qaybsadeen
kaniisadaha iyo xukumayaashu: 'U adeegidda khasabka ah ee madaxda
siyaasadeed iyo baadariyada kaniisaduhu waxay ka jeedisay beeralayda
yaryar shaqadii ay ku dabbarayeen noloshooda asaasiga ah'. 4) Waddanku awood
uma yeelan inuu abuuro 'xarumo sugan oo awood dhaqaale iyo siyaasadeed'.
Xattaa boqorradu ma lahayn xarun joogta ah Minilik ka hor. Inkastoo
khadadka dhaadheer ee ganacsiga G/Afrika ay soo gaari jireen, haddana
waddanku awood uma yeelan inuu soo saaro 'magaalooyin leh suuq ganacsi'.
5) Aafooyin
dabiici ah oo joogta ah, sida abaaro, ayax iyo cudurro, ka sokow
beeralayda maxaysatada ah waxaa kaloo dulsaar ku ahaa 'chawada'. Chawadu
noloshooda waxay ka raadsanayeen dhac. markaa maxaysatadu waxay
doorbidayeen inay ku biiraan chawada. (Harbeson 1988: 24-7). Sidaa
darteed,dagaalku wuxuu ahaa shaqada ugu weyn oo waddanku ku tiirsanyahay.
Runtii taariikhda xabasha waxay ka koobantahay dagaal aan dhammaad
lahayn oo boqorradu hogaaminayeen kaniisaduhuna u barakeynayeen, oo lagu
qaadayay dadyowga dariska la ah. Tan iyo boqor Ezana oo ahaa Q4aad,
boqorrada Xabasha ee xilli kasta wararka laga qoray waa xasuuq, dhac iyo
qafaalasho ay ku sameeyeen dariskooda. Boqorradu waxay ahaayeen abaan
duulayaal ciidan oo ku nool xero ciidan oo wareegaalaysata, hadbana loo
raro soohdintii dagaal ka jiro. (matalan fiiri: Tamrat fii CHA, iii:
545-8; Tamrat 1972: 134-5, 149; Huntingford 1965: 56, 60-1, 104;
Huntingford 1989: 25-55). Dadkii hore waa ogaayeen dabciga 'shilinta' ah
ee 'chawada'. Garaad Maxfuud, mar uu la soo noqday gobalkii Fatagar,
beeralayda wuxuu u sheegay inay beerahooda fashaan, chawadiina intuu
ururiyay ayuu laayay. Ma aha oo kaliya
in arrintaas tusaalayaal badan looga heli karo dhacdooyinka qarniyadii
dhexe. Dr. Smith
Xabashida cusub ee reer Yurub koolkoolinayeen waatuu ku tilmaamay
"savages bearing arms against other poor defenseless Africans'.
Booqashadiisii ka bacdi waxaa loo sheegay: dadka degaanka Sasabane 'waxaa
weeraray ciidan uu u taliyo Mokannen [Xayle Selaase aabihii],
xoolahoodii dhammaan waa la dhacay, wiilashii iyo gabdhihii addoon ahaan
ayaa loo kaxaystay, dadkii waaweynaana waa la laayay ama waa la xubna
jaray'. Gaalladana waxyaalahaas oo kale ayaa ku dhacay. (FitzGibbon
1982: 24). Boqorrada iyo
baadariyadu dagaalka waxay u yeelayeen ujeeddo diini ah. Laakiin falku
wuxuu ahaa tacaddi iyo burburin dareen nafsi ah, oo la xiriira magaca
Amxaara, ku reebay dadyowga Geeska Afrika. Nolosha seefta ama qorigu 'chawada'
waxay u ahayd fursad u dhaanta tii yaambada. Hantida cadowga laga
bililiqaystaana waa ka cantuuga wacneyd culayska maxaysatannimada. Sidoo
kale gibirka ama baadda laga qaado dadyowga la qabsaday waxay ahayd
dakhliga ugu muhimsan ee boqorrada, kaniisadda iyo wakiilladooda. Sida
hadalkii sir Alfred 'Abyssinians " have no other employment than
that of making raids on Gallas and Somalis'. Iyo kii Rosebery " to
enable Somalis to protect themselves against the incursions of predatory
bands of Abyssinia'. Maamulka Meles
waxba kama baddalin dhaqankaas. Waxyaalihii ilaa 1992 ka dhacayay G/Afrika
waxay xusuusiyeen falalkii Yisxaaq, Susenyos, Yohannes, Minilik iwm., oo
cadaabid iy argagaxisnimo lagu sii daray (fiiri tqr. 2) . Wali Itoobiya
waxay ku maaleysaa reer galbeedka, kuna maaweelinaysaa dadkeeda ka
hortagga cadow aan isbaddal lahayn oo xuduudeeda dhooban. Wax lala yaabo
ayay ahayd, sida ION ay cabbirtay, Itoobiya markay ka soo fara xalatay
dagaalkii Eritreeya inay abaabusho olole dagaal oo ka dhan ah Soomaaliya
ayadoo dadkeeda u sheegaysa 'Masar ayaa ina soo weerareysa', maadaama
aan cidina maanta garaysan karin dagaal Soomaaliya ah (fiiri tqr.3). |