Boosaaso Online |
WARSAXAAFADEED JABHADDA WADDANIGA XOREYNTA OGAADEENYA J.W.X.O Jan 25, 2002 Itoobiya markii ay ku guulaysan wayday in ay Damiso Halganka Shacbiga Ogaadeenya ayey bilowday sidii Caadada u ahayd arimahan soo socoda 1-In ay ka faaiidaysato ololaha caalamiga ah eey beesha caalamku kula dagaalamayso argagixisadda caalamiga ah Dawladda Maraykankuna Horseedayso, iyadoo rabta inay ka dhuumato argagaxa iyo gumaadka ay ku hayso Shacbiga Ogaadeenya een waxba galabsan iyo Shucuubta kale eey Gumeysato. Itoobiya oo Argagax, Dil, Dhac, Kufsi, xaqduudsi iyo Xabsi lagu jidh dilo maxaabiista ku haysa Shacbiga Dulman ee Ogaadeenya waxaa ujeedada ololaha caalamiga ah ee la dagaalanka argagixisada ujeedadiisu tahay in falalka argagixisanimada laga tiro caalamka. Hase ahaate waxay doodi ka jirtaa cidda argagaxa wadda iyo falka argagaxa ah. Waxaa kale oo doodi ka jirtaa in laga hortago caddaalad darrada ay dawladaha qaarkood oo Itoobiya ka mid tahay ay ku hayaan shacabka ku hoos nool taas oo saldhig u ah dagaalada gacan ka hadalka ah iyo degenaansho la'aanta caalamka. Hadaba Itoobiya oo Argagax galisa Beel Nabdoon oo degen hoygeeda waxaa cad in ayna taas beesha caalamku u dulqaadan karin waqti ay qaadataba gobolka Geeska Afrikana ay deggenaansho ka dheer tahay. Sidaa darteed, codsiga ay Itoobiya codsanayso inay ka mid noqoto quwadaha la dagaalamaya argagixisada waxay uga danleedahay inay qariso xaqiiqada uu taliska Addis Ababa ku dhisan yahay ee ah argagixisnimo iyo gumeysi shucuubta ay xaqooda duudsiday. 2-Markii ay Itoobiya hab milatari iyo mid siyaasadeed ku joojin wayday halganka xaqqa ah ee shacabiga Ogaadeenya ayey hada bilowday inay sii xoojiso iska horkeenka shacabka Ogaadeenya si ay u curyaamiso midnimadiisa uu uga soo horjeedo gumeysiga iyo dulliga ay ku hayso. Talaabada cadowtinimo ay maanta qaaday waa mid ka mid ah tabihii ay isticmaali jirtay ay dhamaantood ku fashiltay; waxaana xaqiiqa ah inay iyadana ku fashilidoonto. Sidaa darteed waxaa shacabka Ogaadeenya meel ay joogaaba loogu baaqayaa inay cuduudooda mideeyaan si ay uga hortagaan gumeysiga ilkaha dhiiga ah leh ugana hortagaan shirqooladiisa si ay u soo gabagabeeyaan dulliga iyo gumeysiga uu ku hayo. Waxaa kale oon ugu baaqaynaa shucuubta kale ay gumeysato sida shacabka Oromada, Sidaamo, Binshanqul iyo kuwa kaleba inay mideeyaan xoogooda si ay u soo af jaraan gumeysiga dhiig miiradka ah ee dullaysanahayey muddada qarniga ah. Halganka Shacbiga Ogaadeenya wuu Socon. Midnimo Mintid Isku-Tashi Guul !!! Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya, JWXO Xafiiska Warfaafinta Back to main page |