Ku:
Dhamaan
hoggaanka dhaqanka Puntland ( Issimada)
Dhamaan madaxda siyaasadda Puntland
Dhamaan Ururada Bulshada rayidka
ah ee Puntland
Dhamaan indheer-garadka iyo
shacabka
Puntland
Dhamaan Culimaa'u diinka Puntland
Annagoo ka mid ah wax-garadka jaaliyadda Puntland ee dibadda ku nool oo
ay saamaysay kalana qaybisay xaaladda murugsan ee Puntland ka taagan,
annagoo aad uga tiiraanyeysan kana calool xun iska-hor-imaadkii
hubaysnaa ee dhawaan ka dhacay magaala madaxda Puntland ee Garoowe,
kasoo sababay dhimasho iyo dhaawac, annagoo ka wal-walsan dadka hubka ku
raran ee iska soo horjeeda, ayaan waxaan soo saarnay baaqaan nabadeed ee
soosocda.
Waxaan ugu horreyntii u tacsiyeynaynaa eheladii iyo qaraabadii dadkii
walaalaha ahaa ee labada dhinac isaga geeriyooday taasoo aan u aragno,
kugu dhimay kaana dhimay.
Waxaan codkayaga ku xoojinaynaa baaqii ay America kasoo saareen
odayaasha xushmadda leh ee kala ah Mudane Haji Mohammed AbshirMuuse,
Mudane Abdirizak Haji Hussein iyo Mudane Abdullaahi Hoolif.
In la dhowro aragtida iyo sumcadda wanaagsan ee dadka Soomaaliyeed iyo
adduun weynuhuba ka haystaan guud ahaan Puntland gaar ahaanna
magaalo madaxda Garoowe taasoo ahayd meel ku caan baxday nabad ku wada
noolaansho bacdamaa ay tahay caasumad dadku u siman yahay meel
walbana looga wada yimaadaan.
Si loo helo qaddarintii aan hadalka lagu celin jirin, ducadooduna
kicijirtay, waa in hoggaanka dhaqanka soo jireenka ah ay la soo noqdaan
haybaaddoodii ay ab-ka-ab ka dhaxleen wixii farqi ah ee sookala
dhex-galayna ay deg-deg u dhameeyaan.
Waxaan
ku baaqaynaa in sida ugu dhaqsaha badan ay caasumadda Garoowe kulan
isugu yimaadaan dhamaan hoggaanka dhaqanka Puntland, si ay go'aan loo
dhanyahay u qaataan loona af-jaro khilaafkii jiray.
Waxaan si xushmad leh uga codsanaynaa dhamaan culimaaa'u diinka sumcadda
wanaagsan leh kuwa dariiqada iyo kuwa kaleba, ururada haweenka,
dhalinyarada iyo kuwa xirfadleyda ah iyo dhamaan shacabka nabadda jecel
ee Puntland dibad iyo gudahaba iney hor-joog sadaan dadka doonaya in
maatada Puntland dib loogu celiyo marxalaadii ay ka soo kabteen ee
1991-dii markii ay meelo badan isaga soo qaxeen si ay naftooda iyo
caruurtooda dhulkooda hooyo ugu badbaadiyaan.
Ugu dambayntii waxaan Eebbe uga baryeynaa dadka dhibbanaha ah ee reer
Puntland iyo reer Jubaland gar ahaan iyo guud ahaan dadka Somaliya oo
dhan in Allaah awoodda leh u soo cesho karaamadii, ciskii, midnimadii
iyo sharaftii lagu yaqaanay.
Amiin
yaa Allaah
Waxaa saxiixay baaqaan:
-
Hirsi
Haji Jama
-
Abshir
Muuse Siciid
-
General
Abdullahi Ali Cumar
-
Nabadoon
Haashi Qalyar
-
Abdisamad
Ali Haashi Gheelle
-
Abdulqanni
Diiriye Muuse Mataan (Nayreere)
-
Adam
H Hussein Ahmed
-
Engineer
Mohamed Salaad Saacadaale
-
Adam
Warsame Buryar
-
Drs.
Sureer Abshir Muuse Mataan
-
Sucaad
Bashiir Nuur Geeddi
-
Maryan
Mohamed Xoog-weyne Ali
-
Barni
Hayir
-
Cadar
Hussein
-
Hawa
Ugaas Geelle Mohamed Kaneec
Wixii faahfahin u
baahan kala Xidhiidh
Drs.
Sureer Abshir Muuse Mataan
Somalcentre@aol.com