ASTAAMAHA SIYAASIGA SOOMAALIGA AH EE MAANTA JIRAA WAA
KUWAN:-
Hayan Cabdisalaan Ismaaciil
Waxaan marar badan isweydiiyaa maxaa siyaasiyiinta soomaaliyeed ka
qaldan?
Waxaan arkaa dad badan oo soomaaliyeed oo rayigooda ka dhiibta siyaasada
iyo
siyaasiyiintaba. Marka hore waxaa isweydiin leh waa maxay siyaasadu?
Waxaan
anigu qabaa in siyaasadu tahay tartan, tartankaasoo ka dhaxeeya kooxo
kala
duwan. Kooxahaas oo ku tartamaya codka bulshada ay ku dhexnool yihiin,
kooxahaas oo aaminsan in mabdaŽ ooda uu yahay kii bulshadu ku gaari
laheyd
horumar. Hadaba markii doorasho laga sameeyo wadanka waxaa guuleysta
kooxdii
shacbiga badankiisii soo jiidatay. Taas micnaheedu wuxuu yahay inta u
dhaxeysa labo doorasho waxaa wadankii lagu fulinayaa mabdaŽa kooxdii ku
guuleysatay doorashada, kuwii lagu guuleystayna waxay noqonayan mucaarad
iyagoo dhowraya sharciga uyaala wadanka, tixgalinaya kooxda haysa
maamulka
wadanka. Sida cinwaanka maqaalkan ku tilmaaman, dad badan oo
soomaaliyeedna
ay maqaalo ka qoreen waxaa marar badan isweydiiyey siyaasiga
soomaaliyeed ee
maanta jiraa waa kuma? Hadaba calaamadaha lagu garto siyaasiga
soomaaliyeed
waqtigaan xaadirka ayaan xoogaa dib u fiirshay waxaana iisoo baxay:
SIYAASIGA SOOMAALIGA AH EE MAANTA JIRAA WAA KAN.
Waa nin da weyn (Ilaahaa weyn).
Wuxuu ku dhashay tuulo ama magaalo ay inta badan degaan reerka uu ka soo
jeedo sidaa daraadeed wuxuu noloshashiisii inta hore uu kusoo dhexjiray
hal
reer oo kaliya ah wuxuuna dhalinyaranimadiisii yimid magaalo weyn.
Reerkiisa, xaaskiisa iyo caruurtiisa waxay badanaa joogaan waddamada
Yurub
ama waqooyiga Ameerika. Hadii xaalada nabadgelyo ama tan caafimaad ku
xumaato si fudud ayuu u tagi karaa waddamadaas, maxaa yeelay wuxuu inta
badan haystaa dhalashadooda ama sharciga lagu joogo.
Wuxuu badanaa heystaa darajo askareed sida Korneel, Gaashaanlesare,
jeneraal, sareeye gaas, sareeye guuto iwm. Masoo baran inta badan
waxbarashada cilmiga diinta, siyaasada, maamulka, bulshada, sharciga,
dhaqaalaha ama sayniska. Laakiin wuxuu si wanaagsan uga soo qalanjabiyey
kuliyadii Khiyaamada iyo dhaca ee xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre.
Markii jagada lomagacaabayey wuxuu shaxaadi jiray masruufka reerka, lix
bilood kadib wuxuu lahaa 4 gaari 3 guri dhowr boqol kun oo doolar iyo
beer ku taala Afgooye
banaankeeda.
Wuxuu badana kasoo shaqeeyey dowladihii soomaaliyeed ee soo jiray intii
xornimada la qaatay kadib. Inta badan wuxuu lasoo shaqeeyey dowladii
Siyaad
Barre oo uu kasoo qabtay jagooyin kala duwan. Waxaa marar qaarkood
dhacday
inuu fakaday oo “mucaarad” ku noqday xukunkii Siyaad
Barre,
haddana uu soo laabtay kadib markii jago ka wanaagsan tii hore ama nolol
ka
wanaagsan tii hore loo balanqaaday.
Sicirbararka ma saameyn oo kaliya dhaqaalihii ee siyaasadiina wuu gaaray.
Markii ay meel uga banaanaan weysay ururadii jiray wuxuu uruursaday
xoogaa
dad laftiisa kadhashay oo war qalada ah laga dhaadhiciyey wuxuuna
sameystay
ururka SBTJ oo matala reer XKHD.
Mabda siyaasadeed,qorsho siyaasadeed, xal siyaasadeed midna malaha mana
wato
ee wuxuu hadba raacaa meeshii dabeeshu usocoto. Haddii uu shalay
cadow ku
ahaa koox kale, maanta wuxuu layahay heshiis. Hadii shalay uu dastuur
cusub
sameystay, maanta asaga burinaya. Shalay hadii sanad “la
doortay”, maanta asagaa sadex sano ku darsanaya. Shalay hadii
uu
magacaabay hebel, maanta asagaa ka qaadaya jagada. Shalay haddaa
raacsanayd
asaga waxaad ahayd nin danta “Soomaaliyeed”
jecel, maanta
haddaa tiraahdo waa qaldantahay waxaa tahay “ cadowga”
umadda
Soomaaliyeed. Shalay hadaa isku reer ahaydeyn, maanta waxaa tihiin kala
laf,
beritana kala jilib, saadanbana kala hooyo, saakuuna asagaa curadkii ah.
Meel walba oo Soomaaliya haka taliyee wuxuu sheegtaa in umadda
soomaaliyed
ay soo dooratay, asagaana ah ninkii keeni lahaa nabadgelyo, dowlad
wanaaagsan, dhaqaale horumarsan iwm. sidaa daraadeedna uu jagada uhayo.
Marxalada siyaasadeed ee dalka iyo shacbiga soomaaliyeed oo aad uraba
ayaa
ku qasabay inuu jagada qabto sidaas daraadeed ayuu waqtigiisa qaaliga ah
noogu huray.
Wuxuu weli aaminsanyahay in reerka uu kasoo jeedo ay yihiin reerka ugu
nasabsan, ugu waxgaradsan, ugu diin aqoon wanaagsan, ugu dhaqaalo badan,
ugu
qurxubadan, ugu lahjad fiican, ugu deegaan wanaagsan ee Soomaalida ah.
Laakiin markuu idaacadaha la iska maqlo ama la aqristaba ka hadlayo
wuxuu
yahay nin aan ku dhaqmin qabiilka ogaadeyna in qabyaaladu ay ka mid
tahay
waxyaalaha hortaagan dib u heshiisiinta dadka soomaaliyeed.
Wuxuu weli aaminsanyahay in ay Soomaaliya ka dhalan doonto dowlad uu
asaga
madax ka yahay mustqalbalka dhow. Dowladaas oo xukunkeeda oo dhan asaga
gacanta usoo geli doonta, siduu doonana ka yeeli doono. Markuu noqdo
“madaxweyne” wuxuu soo magacaabi doonaa laga bilaabo
raŽiisul
wasaaraha wadanka ilaa lagu geeyo macalinka wax kadhiga dugsi hoose
dhexe ee
kuyaal magaalo kamid ah wadanka. “Madaxweynuhu”
ma oga in
raŽiisulwasaarahu uu masuul kayahay dowladiisa, soona magacaabo
wasiirada
dowlada. “Madaweynuhu “ ma oga in maamulaha dugsiga
hoose dhexe
uu masuul kayahay macalimiinta dugsiga iyo ardadaba. Lama socdo in
dunidii
isbedeshay.
Halka dunida horumartay mideynayso wadamadooda, siyaasadooda,
dhaqaalahooda,
lacagtooda wuxuu asagu qabaa in “Waddan-land”
ka goosato
Soomaaliya hadii aan asaga madaxweyne lagu magacaabeyn, hadii kalese
soomaalidu waa dad walaalo ah.
FIIRO GAAR AH: Ururka SBTJ waa urur aan mala awaalay. Waxaa maanta
jira
toboneeyo urur oo badanaa midwalba xarafka S uu ku jiro. Sida SSDF, SNM,
USC, SPM, SRRC iwm marar badan maba lagaran karo waxa ay u taaganyihiin.
Reer XKHD waa reer aan mala awaalay. Sicirbarar ayaa qabiilkii ku dhacay
sidaa daraadeed maba lagaran karo dhamaan magacyada lafaha iyo jilibyada
waayadaan danbe soo baxay.
Waddan-land waa isxukun hoosaad aan mala awaalay. Sidoo kale ayaa
sicirbararka saameeyey “Land”. Waxaa jiri jiray
dal Soomaaliya
yiraahdo markaasaa waxaa soo baxay Somaliland, Puntland, Jubaland
waxaana
soo socda “Land” badan mustaqbalka hadii xaalada
sidaan ku
socoto.
Hayaan Cabdisalaan Ismaaciil
Arday cilmiga siyaasada SWEDEN
Hayan74@hotmail.com
Back to Main Page