Boosaaso Online

Dawladda Mareeykanka oo u diiday Wafdi ka socda Soomaaliya oo Warqad kasida Madaxweeynaha KMG ah Cabdilqassim Salaad in aay tagaan dalka Mareeykanka.

(Cairo,Jan5 ,2002)

Dawladda Mareeykanka ayaa diiday codsi rasmi ah oo looga dalbanayey in aay oggolaansho dal ku gal siiso wafdi Soomaaliyeed oo mathalayey qaybaha kala gaddisan ee bulshada dalka Soomaaliya ,wafdigaas oo ka siday warqad madaxweeynaha KMG ah ee dalka Soomaaliya Cabdiqassim Salaad warqaddaas oo u socotay ama wafdigu rabay in uu u guddoonsiiyo maamulka Madaxweeyne Bush ,warqaddaas oo lagu faahfaahinayey in dalka Soomaaliya aanay ku sugnayn xeryana ku lahayn wax argagaxiso ahi ,waxaa kale oo warqaddas ku qornaa oo kale in dawladda KMG ah ee dalka Soomaaliya aay gacan buuxda ku siinayso hayádaha sirdoonka Mareeykanka in aay baaraan kana salgaaraan xaqiiqda jiritaanka argagaxisada la sheegayo.
Sida uu maantay qoray Wargayska Asharqi-awsad dawladda Mareeykanku wax tixgalin ah masiin codsigii labo toddobaad kahor loo gudbiyey oo ku saabsanaa wafdiga Soomaalida oo oo doonayey in uu u ambabaxo dalka Mareeykanka ,iyadoo masuuliyiinta Mareeykanku aay ku tilmaameen Booqashadaas mid aan waqtiga xaadirka ah munaasab ahayn.Arintaasi waxaay muujinaysaa mowqifka mareeykanku uu ku diidan yahay jiritaanka xukuumadda KMG ah ee dalka Soomaaliya kaddib markii diblomaasi sare oo ka socda dalka Mareeykanka uu soo booqday dalka Soomaaliya bishii hore Islamarkaana uu wadahadallo aan rasmi ahayn la yeeshay Madaxweeynaha KMG ah ee dalka Soomaaliya Cabdiqassim Salaad iyo Madax sarsare oo kale.
Wargayska Asharqi-Alawsad oo aanu Akhbaartaan ka soo xiganay wuxuu qoray oo kale in la filayo in toddobaadka soo socda aay yimaadaan xeebta badda cas ee Soomaaliya Maraakiib dheeri ah oo Mareeykanku leeyahay kuwaa oo ka kooban saddex gujis iyo markab sahayda u wada .Marka Maraakiibtaasi Yimaadaan tirada ciidamada mareeykanka oo ka hawlgalaya aagga Soomaalida waxaay gaarayaan 7000 oo askari .

                               Back to main Page