Boosaaso Online
Boosaaso 01/02/02

War qoraal ah  oo aan la faafin ayuu  Col.Cabdullaahi Yusuf u gudbiyey isimada Gobloka Nugaal.kasoo u ugu sheegayo in uu aqbalay go'aankoodii ahaa inuu ka baxo Magaalada Garoowe.

kadib markii uu Cabdillaahi Yusuf la yeeshay shir gaar  ah Guddiga u qabilsan xaaladaha deg degfga ah ayey go'aankaan gaareen. waxaase aan la garanayn meesha uu u guuri doono.

Col. Cabdillaahi Yusuf wuxuu taageero badan ku leeyahay Goblada Sanaag iyo Sool,waxaana laga yaabaa in uu u guuro meelo ka mid ah degaan ahaan Gobolka sanaag balse kulaala Magaalada Boosaaso.taasoo u suurto gelisa in uu ka war hayo magaalada.

Waxaa iyana la saadilinayaa in uu si toos ah ugu duulo Magaalada Boosaaso,halkaas oo ay  taageerayaal u joogaan.
Koox uu haoggaminyo wasiirkiisii maaliyaadda Mudane Saciid Cadduur oo ay ka mid yihiin nimanka Cabillaahi u magacaabay Goddoomiyaha Gobolka Bari iyo Ku xigeenkiisa ayaa Kulammo dhowr ah ka qaban qaabiyeye Magaalada Boosaaso.

Maamulka Jamac ayaa sheegay in ay dagaal kala hortegi doonaan haddii Cabdillaahi isku dayo in uu soo qabto dhanka Gobolka Bari iyo magaalada Boosaaso.

Garbaka Col.Jamac Cali ayaa iyagu maalintii u horreysayba oggolaaday go'aanka reer Garoowe. waxaase jirta in Ciidamo ka yimid degaanka reerka uu ka soo jeedo aaney joogin Garoowe,balse ciidamada taageersan ee Garoowe ku sugan ay yihiin kuwo ka so jeeda gobolka Nugaal.sidaa darteed lama garnayo ilaa hadda in ciidamadaasi laga codsan doono in ay u ambabaxaan dhanka Jaamac ku awoodda badan yahay.

Boosaaso Online