Boosaaso Online |
.![]() Bismilaahi Raxmaani Raxiim KU:Culumaa'udiinka. KU:Hogaan Dhaqameedyada(Isimada). 17.2.2002 KU:Shacabka Puntland. Yaasiin Muuse Boqor Saad u dhantihiin waxaan idiin soo dirayaa salaan tan ugu qiimaha badan ASALAAMU CALEEYKUM WARAXMATULAAHI WABARAKAATU. Salaan bacdi waxaan ugu horeentii TACSI udirayaa qaraabadii iyo ehelkii dadkii ku geeryooday iskahor imaadyadii ka dhacay Puntland. Aniga oo qiimeeynaya xaalada qalafsan ee uu maanta kusugan yahay dadka walaalaha ah ee reer Puntland oo ah runtii mid uu shaqsi damiirlahi uu ka aamusikarin,waxaan ugu baaqayaa Culumaa'udiinka,Isimada,Shacabka,Waxgaradka reer Puntland NABAD,waxana ku talinayaa hadii qeyr uu kujiro qodobada soo socda hadii layeelikaro. 1-.In qof walba oo u dhashay gobolada Puntland uu katoobad keeno hadalada lacaadeeystay oo ah Soomaali waa burburtay Puntlandse waxaa badbaadshay Isimada taas oo gef ku ah alle awoodiisa,lana qiro nimcada alle. 2-.In qof waliba uu iskii xil isaga saaro in Puntland dagaal danbe uusan ka dhicin,xabadana xaraf lagu bedelo(inlawada hadlo) 3.In lasoo dhaweeyo baaq walba oo nabad xanbaarsan,ama arinwalba oo baajin karta dhiig danbe oo gobolada Puntland ku daata. 4.In Isimada Puntland ay meel uga soo wada jeestaan nabadeenta shacabkooda si degdeg ahna u abaabulaan shir ay isugu yimaadaan dhamaan Isimada puntland,culimaa'udiinka,waxgaradka,IWM cayimida shirkana lagu dhawaaqo si degdeg ah taas oo aan qabo in ay hor sitaageyso dagaal dhaca,shirkaas na looga tashado nabadgelyada,midnimada,horumarinta,iyo aayaha Puntland. 5-In taladada soo socota oo taariikhdu tahay 22.1.2002 laga abaabulo dhamaan magaalooyinka waa weyn ee Puntland banaanbax lagu baaqayo nabad dadka walaalaha ah ee Puntland taas oo aan qabo iyadana in ay xaalada wax kabedelidoonto kana turjumidoonto nabad jaceelka shacabka Puntland. Waxaan idinku boorinayaa in NABADA laga shaqeeyo laguna bixiyo qiimo walba taas ayaana shaqsi walba oo reer PUNTLAND ahina dan ugu jirtaa,laguna mashquulin intii ay toodii gashay ee loo taliyo inta nool. Waxaan mahad balaaran usoo jeedinayaa inta samaha katalisay kuna mashquulsan nabad ka aslaaxda Puntland. MUDANE YAASIIN XAAJI MUUSE BOQOR. E-MAIL YASSIN_BOGOR@YAHOO.COM |