Boosaaso 22/01/2002
Dooni Hub sida oo la sheegay in ay soo gaartay Degmada Baargaal ee
Gobolka
Bari.
Warar xalay fiidkiiya aanu ka helnay deegaanka Degmada Baargaal ayaa
waxay sheegayaan in Dooni Side Hub ay soo gaartay halkaas maalinnimadii
shalay.Warku wuxuu intaas ku darayaa in Hubkaas uu isugu jiro qoryaha
loo
yaqaan BKM, dhuumaha shilkaha, Miinooyin iyo Baaskoolado.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya halka uu ka yimi Hubkan, wararka
qaar waxay sheegayaan in laga keenay dalka Yemen, qaarna waxay
tilmaamayaan in hubka laga keenay magaalada Muqdisho oo iyadu ah Suuqa
ugu weyn Soomaaliya ee Hubka lagu kala Iibsado.
Ilaa iyo hadda ma cadda cida hubkan iska leh, hase ahatee wararku
waxay sheegayaan in koox Ganacsato taageersan Maamulka Jaamac Cali
Jaamac
loo tirinayo inay soo gadeen.Horay ayaa marar badan Kooxo Ganacsato ka
soo
dejiyeen xeebaha deegaanka Gobolka Bari
Bile Qabawsade Boosaaso,
Puntland,Somaliya
Back to Main Page |