Boosaaso Online
Col. Cabdullahi Yusuf, " Kooxda Carta iyo Asal Raac na xukumimaayaan, mana u ogolin in ay dalkeena joogaan".

Col. Cabdullahi Yusuf oo weli ku sugan magaalada Garowe ayaan wareysi la yeelanay annoo weydiinay xaaladda ay ku sugan tahay magaalada Garowe oo uu xoogga ku qabsaday dhowr bilood ka hor wuxuuna ku jawaabay, "Anniga xoog ku qabsan ee waxaan ku soo laabtay xarunta Puntland ee aan madaxweynaha ka ahay aniga oo fasax kaga maqnaa wax dhibaata ahna kama jiraan magaalada Garowe.

Mar aan wax ka weydiinay sababta uu dalkiisa ugu tilmaamay in ay argagixiso joogaan ayaa wuxuu ku jawaabay, " Dalkayga oo dhan ma wada joogaan argagixiso ee meelo ka mid ah ayay joogaan, waanna in aan fursaddan caalamku la dagaalayo argagixisada ka faa'ideysannaa". Su'aal kale ayaan weydiinay oo ahay in laga soo waayay wax argagixiso ah oo jooga Shimbiraale ee aad ku tilmaantay in ay argagixiso joogaan. Col. Cabdullahi ayaa taas kaga jawaabay, " Raali ahow adeer, Shimbiraale lama tagin anigaa geynaya meesha ay ka joogaan Shimbiraale ee ha'ii yimaadaad dadka raba in ay soo arkaan argagixisada, dowladda Mareykankuna wey ka war haysaa".

Col. Cabdullahi Yuusuf oo aad u mashquul sanaa marka aan su'aalaha weydineynay ayaan weydiinay su'aal kale oo ahayd in ay illoobeen waajibaadkii dalka ka saaraa ayna u adeegayaan dano ay dalal kale leeyihiin ayaa ku jawaanay, "dadka ayaa nasoo doortay dantooda ayaanna ka shaqeyneynaa, Xooda Carta iyo Asal raac na xukumimaayaan mana u ogolin in ay dalkeenna jogaan". Col. Cabdullahi ayaa sidoo kale ku tilmaamay in ay tahay waxaba kama jiraan wararka sheegaya in ay ciidamo Itoobiyaan ah joogaan xerad 54-aad ee Garowe taas oo ay horey u xaqiijiyeen madax ka tirsan Isbahaysiga SRRC ee uu ka mid yahay Jeneral Maxamed Saciid Xirsi Moorgan.

Cumar Faaruuq Cisman,