MEERTO NOLOLEEDKA
UGAAS XASAN
UGAAS YAASIIN
UGAAS CABDIRAXMAAN
I- Dhalasho Iyo waxbarasho
II- Khibradaha shaqo
III-Shirarka siyaasadeed iyo Nabadaynta uu ka qayb galay
IV- Wuxuu Leeyahay Xaas iyo Labo Ciyaal ah.
WABILAAHI TAWFIIQ
BISMILAAHI RAXMAANI RAXIIM
GUDDIGA QABAN QAABADA CALEEMA SAARKA UGAAS XASAN UGAAS YASIIN UGAAS C/RAXMAAN
Xafladda Caleemo Saarka Ugaaska.
Waxaa maanta oo bishu tahay 15/7/01 ka dhacay cuunka waaciye oo Bossaso u jira
180Km Xafladda Caleemo Saarka Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin Ugaas C/Raxmaan.
Xafladdaas oo si fiican loo soo agaasimay,laguna qurxiyay Qalabka hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, Goobtaas oo lagu caleemo saaray Ugaas Xasan Ugaas yaasiin Ugaas C/Raxmaan.
Xafladdaas oo ay ka soo qaybgaleen Isimo, Gudoomiyaha Baarlamaanka DGPL, Dr Yusuf Xaji Siciid, ku xigeenka Baarlamaanka iyo Xubno Baarlamaanka DGPLka mid ah, Maamulka Gobalka Bari oo uu hogaaminaayo Gudoomiyaha G/Bari Yaasiin Cumar Dheere, Taliye ku xigeenka Booliska DGPL G/Sare Xirsi Siciid, Booliska G/Bari, Hayadaha Caalamiga ah, Hayadaha aan Dowliga ahayn, kuwa wadaniga ah, iyo Dadwayna kale oo fara badan.
Isimada Xafladdaas kasoo qayb galay waxaa ka midahaa.
1. Suldaan Saciid Suldaan C/Salaan Suldaan Maxamuud
2. Garaad C/Qani Garaad jaamac
3. Beeldaaje Yaasiin Cali Xasan
4. Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax
5. Beeldaaje Axmed Xirsi Max’ed
6. Suldaan C/Qani Yaasiin Cali
7. Suldaan C/Laahi Cartan Faarax
8. Suldaan C/Laahi Nuur Faarax
9. Garaad C/Laahi Cali Ciid
10. Suldaan Axmed Maxamed Hure
11. Suldaan Saciid Ismaciil
12. Suldaan Xasan Cali Jibril
13. Ugaas Ibraahim Cali Shibiin
14. Suldaan Max’ed Cali Max’ed
15. Salaad Cali Faarax
16. Beeldaaje Cali Nuur Faarax
17. Ugaas Bashiir Cabdi Ciise
18. Garaad Axmed Baxwal
19. KS/Beeldaaje Ismaciil Beeldaaje Cabdulaahi
20. Garaad C/Laahi Max’ud Max’ed
21. Suldaan Cabdi Buurte
22. Suldaan Ciise Xasan Cumar
23. Ugaas Cumar Max’ed Axmed
Dhamaan Isimadaas, iyo Masuuliyiintuba waxay halkaa kasoo jeediyeen khudbooyiin ay kaga hadlaayeen adkaynta nabadgeliyada iyo hagaajinta Maamulka Mandaqada, Ugaaskana waxay ugu hambalyeyeen Xilkaas loo Caleemo Saaray waxayna u rajeeyeen in Xilkaas Ilaahay u fududeeyo waxaa kale oo Xafladaas Caleemo Saarka hadalo qiimo leh kasoo jeediyay Caaqil Siciid Aw Muuse Max’ed Xaaji, Waxayna ku dhamaatay farxad iyo guul.
Gunaanadkii Xafladdaas waxa ka hadlay Ugaaska la Caleemo Saaray Ugaas Xasan Ugaas Yasiin Ugaas C/raxmaan oo u hambalyeeyay Marti Sharaftii iyo Dadwaynihii kasoo qayb galay Xafladda Caleemo Saarka, isla markaana balan qaaday in uu intii awoodiisu gaarsiiso si hufan odaacadnimo leh u gudan doono Wajibaadka Xilkaas ugu dambayntiina ku khatimay duco dheer oo dhinac walba khusaysa.
Mahadnaq. Gudiga Qaban Qaabadu wuxuu u mahad celinayaa dhamaan Dadkii ka soo qayb galay Xaflad Caleemo Saarka iyo Dadkii ka soo shaqeeyay ba.
Wabilaahi Towfiiq
XOOGHAYNTA GUDIGA QABAN QAABADA
Max’ud Bile Dube
Tell . 00252-523-4785
Mobile No . 00252-572-6434
Mobile No . 00252-525063
Fax# . 00252-523-4801
Maxamuud (Dishiishe) waxaa
la dhashay
Wacays ,Cabdalle, Nuux
Cabdiraxmaan(miir Waaq)
(Tiinle) (Gabtaanle) (maganlabe)
Ismaaciil
Ugaar
C/kariin
Isixaaq
Axmed
Ugaas Xasan
Ugaas Muuse
Ugaas Yuusuf
Ugaas Nuur
Ugaas Cali
Ugaas Aadan
Ugaas Samatar
Ugaas Maxamuud
Ugaas Xasan
Ugaas C/raxman
Ugaas Yaasiin
Ugaas Xasan
XOGHAYNTA GUDDIGA QABAN QAABADA
MAXAMUUD BILE DUBE.
kaafi741@hotmail.com