Boosaaso Online |
Boosaaso 01/29/2001/ Dhanka kale Col.
Jaamac Cali Jaamac oo isaguna sheeganaya inuu yahay madaxeynaha Puntland
ee sida sharciga ah lagu soo doortay shirweynihii labaad ee dastuuriga
ahaa ee ka dhacay magaalada Garoowe ayaa waxa uu fariisin ka samaystay
magaalada Boosaaso oo ah xarunta Gobolka Bari, ma jirin cid ukala dab
qaadday labada hogaamiye garab ee isku haysta siyaasadda Puntland,
kasokow dadaal ay isimada iyo waxgaradka gobolka nugaali
ku doonayeen xasiloonnida deegaanka Nugaaleed, inkastoo ay jireen
baaqyo nabadeed oo ay soo saareen Isimada, Nabaddoonada, wax garadka,
Aqoonyahaynnada iyo ururada haweenka Puntland haddana ma jirin labada
garab siyaasadeedba cid dheg jalaq u siisay baaqyadaas nabadeed, kala
duwanaanta aragtida siyaasadeed ee labada dhinac iyo kala
taageersanaantooda ayaa iyaduna waxay door ku yeelatay kala qaybsanaan
ku timi bulshada dhexdeeda walow ay dadku ka mideysan yihiin in markale
la helo maamul mid ah isla markaana la soo celiyo nadaamkii iyo kala
dambayntii lagu yiqiinney gobollada Puntland, isku soo wada duuboo lama
garanayo mana jirto cid saadaalin karta halka ay caga dhiganayso
siyaasadda murugsan ee kala daadisay hannaankii maamul ee ay ku caan
baxeen gobollada Puntland. Si kastaba xaaladdu
ha ahaatee waxaa lagu soo gabagabeeyey magaalada Garoowe shir waayahanba
uga socdey Isimada iyo wax garadka deegaanka nugaaaleed, ergooyinka
shirkaasi oo ka kala yimid dhamaanba degmooyinka iyo tuulooyinka uu ka
kooban yahay gobolku, ayaa maalinnimadii
shalay lagu soo gabagabeeyey xarunta gobolka Nugaal ee magaalada Garoowe
shirkaasoo lagu gaarey go’aamo dhawr ah oo ay ku saxiixnaayeen Islaan
Maxamed Islaan Muuse iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase, waxayna labada
isim isla maalinimadiiba iyagoo dadka kala hadlaya meel fagaare ah u
sheegeen in la dhawro nabadda iyo xasilloonida lagana waantoobo wixii
shaqaaqo horseedi kara. Go’aamadan
oo ay ka mid ahaayeen v In dhamaan malleeshiyada taageersan col. Jaamac Cali Jaamac iyo kuwa taageersan Col. C/laahi Yuusuf dhamaan laga qaado magaalada Garoowe v In ciddii diidda iney fuliso go’aamadan ka soo baxay isimada iyo wax garadka deegaanka Nugaaleed loo arkayo iney doonayaan iney dhibaato ka abuuraan deegaanka.
|