Boosaaso Online

Waxa warsaxafadeed soo saaray madaxwaynah Somaliland mudane Maxamed Haji Ibrahim Eggal, warsaxafadeedkaas oo ku saabsanaa waftigii dhawaan tagay Hargaysa ee ka socday urur goboleedka IGAD

Somaliweyn(Hargaysa,Dec 27 ,2001)

Haddaba waxa uu waftigaasi ka ababaxay magalada Hargaysa maanta isaga oo u sii jeeda magalada Djabuuti ee dalka Jabuuti.

Waxa uu Cigaal warkaasi uu siiyay saxaafadda uu ku sheegay in ay wafidgaasi u socdeen wax aan laga filayn taas oo ah heshiisiin Somaliyeed sida uu cigaal sheeegay waxa uu waftigaasi u cadeeyay in haba yaraatee aany Somaliland waxba ka qusayn wax ay waftigani la socdeen haddii aanu ogaan lahayna ayuu yidhi aanu odhan lahayn iska jooga annaga oo markii horeba moodaynay in ay noola socdaan horumarin.

Se waxa aanu ogaanay ayuu yidhi Mr Cigaal in ay ururkaasi ay yihiin cadawgayaga oo nagula jira dagaal taas oo ay iska indha tirayaan dhismaha dawladnimadayada oo ay ku luntay mood iyo nooleba taas oo aanay haba yaraate suurto galaynin.

Waxa iyana wafdigaas la kulmay dhammaan Todobada urur siyaasi oo iyagu u dhiibay dhanbaal qoraal ah oo ay ka midaysnaayeen in haba yaraate aany arinta Somaliland aany gorgortan aanay gali karin oo aayna suurta gal ahayn haba yaraate waxa ay waftigani la socdaan, waxa iyana la kulmay waftigaas oo uu hogaaminaayay J.Numayri oo ah ergayga khaaska ah ee Cumar Al Bashiir u qaabilsan arrimaha Somaliya oo isagu sanadkan haya hoggaanka ururka IGAD ururka Haweenka iyo shir guddoonka Golaha Guurtida sidoo kalena waxa ay kala kulmeen kulan la mid ah kulamadii ay kala kulmeen dhamaan dhinacyadii ay is arkeen.

Hase ahaatee markii ay maanta waftigu ay ka dhoofayeen madaarka Hargaysa waa ay ka gaabsadeen in ay la hadlaan saxaafada gaar ahaan waxa toos u abaaray wariyha BBC Ahmed SiciidCige oo waydiiyay Mr Numayri waxaii uu kala kulmay Somaliland iyo madaxwaynaha waanu ka aamusay su'aalhaasi sidii baanu kaga baxay Somaliland waftigaasi waxana uu hadda ku suganyhay Djabouti.

Waxa haddaba hubaal ah in aany ilaa hadda aany jirin cid fahansan xaaladda iyo nabadaynta Somaliya iyo Somaliland taas oo aany is hor fadhiisankarin inta uu Abdi qaasin sheeganayo in uu Somaliland u yahay madax wayne taasina waxa aay sii fogaysay xaaladda iyo fursadii la isugu iman lahaa markaa waxa aad moodaa in ay adagtahay sida la isu soo hor fadhiisto waloo Mr Eggal laga maqlay mararka qaarkood in ay iyada Koonfurtu is dhisto oo ay soo gaadho heerka Somalialnd dabadeetana la isu hor fadhiisto Waqooyi & Koonfur ka bacdina halkaa laga bilaabo sidii loo kala bixilahaa oo gobolkastaaba uu dib u qaadan doono madax banaandiisii ay ka hanteen 1960 gumaystayaashiii Talyaaniga iyo Ingriiska.

 

Mohamed Jama