Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo Buuxiyey Xuduudda
Soomaaliya.
Boosaaso 18/01/2001
Sida ay sheegayaan warar xogogaal ah Waxaa xuduuda Soomaaliya ay la
wadaagto
Itoobiya soo buuxiyey Ciidamo milateriga Itoobiya ka tirsan.Warku wuxuu
intaas ku darayaa in ay sadex goobood oo ku kala yaala jihooyinka
Waqooyi
Bari, Koonfur Galbeed iyo Goboladda dhex ay maalmihii la soo dhaafay ku
soo
daadgureynaysay Ciidamo dowlada Itoobiya.
Ilaa iyo hada lama garanayo ujeedada ciidamadaas loo keenay
Xuduuda,
hase ahatee warar madaxbanaan ayaa
sheegaya in loo maleynayo Ciidamadaas inay doonayaan sidii ay uga
howlgeli
lahayeen deegaano ka mid ah Dalka Soomaaliya oo ay gacansaar la
leeyihiin
hogaamiyayaasha Soomaalida qaar ka mid ah.Horay ayey Dowladda Itoobiya
Ciidamadeeda u soo talaabeen gudaha Soomaaliya , waxayna muddo dhowr
todobaad lagu joogo yimadeen Sagaal gaari oo ay wateen Ciidamo
Itoobiyaan ah
magaalada Garoowe oo uu iminka joogo Col. C/Laahi Yuusuf Axmed, Waxayna
sarakiil ka tirsan Itoobiya Tababar siiyeen Ciidamadiisa ku xareysan
Xeradda
54aad,
sidoo kale waxaa xeryaha ku yaala magaalada Baydhabo tababar uga
furay maleeshiyadda ururka RRA Sarakiil iyaguna ka socday Dalak Itoobiya.
Dowlada Itoobiya ayaa wadda dadaal ka dhan ah Maamulka KMG ah ee Carta
lagu
soo dhisay, waxayna marar badan ku Eedeysay in ay la shaqeyso ooo ay
gacan
siinayso Kooxahja Itaxaad, hase ahatee waxaa Eedeymahaas beeninayey
Masuuliyiinta Maamulka KMG ah ee Carta, waxayna ku tilmaameen mid aan
wax ka
jirin.
Bile Qabawsade Axmed isuduwaha wargesyka Yool
Boosaaso
BACK TO MAIN PAGE
|