Boosaaso Online
Werwerka laga qabo in dagaal ka dhaco Boosaaso
oo isa soo taraya.

Inkastoo aan si weyn loo dareemin joogitaanka Jaamac Cali Jaamac ee Magaalada Boosaaso Haddana waxa cad in taageerayaashiisu gacanta ku hayaan ilaha dhaqaalaha intooda badan. waxa jira rugo badan oo dawladdu lahayd oo aan gacanta ugu jirin,oo maleeshiyo beeleed ama cid aaan aqoonsanayn Maamulkiisa gacanta ugu jira.
Waxaa beryahan isa soo tarayey cabsida laga qabo in Cabdullaahi Yusuf weerar Magaalada ku soo qaado,iyadoo aaney jirin cid isu xilsaartey in ay dhexdhexaadiyaan dhinacyada is haya,marka laga reebo rag hore isugu sharraaraxay madaxweynenimada Puntland.

Isimadiina ay awalba u qaybsameen laba garab oo labada nin kala taageersan ayaa waxaa adkaan doonta in la helo cid dhexdhexaad lagu tilmaami karo oo arrinta furdaamisa.                            

Dhilinyaro badan oo hubeysan ayaa soo buuxiyey magaalada kuwaas oo sida la qiyaasayo u yimid bal in ay wax bililiqaystaan haddiiba magaalda wax dagaal ahi ka dhaco.majiro wax Qaxitaan ah dadka magaalada Boosaaso balse sheekada magaaladu waa cabdullahi sidaas ayuu yiri,iyo Maalin heblaan  imaanayaa iyo waxyaalao la mid ah.

Inkastoo Magaaladu aad u deggantahay haddana qofkii joogey markii maamulkii hore magaalada joogey u aad u  daremi karo isbeddel weyn ee magaalada dhan kastaba.