HALGANKII YAASIIN CISMAAN
EE FARTII CISMAANIYAD
WQ:
saadiq Eenoow Email:
drsaad84@hotmail.com
Sanadkii 1920-kii
ayuu Cismaan Yuusuf Keenadiid ku guuleystey in uu allifo xuruuf
loo adeegsado qoraalka af-soomaaliga.Xuruuftaasi waa
midda keliya ee taariikhda lagu hayo oo nin Soomaali ah uu
leeyahay. Hortiis waxaa af-soomaaliga qori jirey, dadkana bari
jirey Shiikh Yuusuf Al-kowneyn, Xaaji Cali Majeerteen
iyo Shiikh Awees. Saddexdaas ninba wexey
qoraalkooda u adeegsanayeen xuruufta carabiga. Waxaa in laxuso
mudan xilliga uu Cismaan Yuusuf fartaas qorayey oo ahaa xilli aanan
u sahlaneyn nin dhallinyaro ah oo soomaali ah in uu fikradda noocaas ah
intuu helo. Haddii uu fikraddii heleyna, in
dadaal intaas leŽeg uu ku bixiyo si uu dadkiisa ugu helo xuruuf ey
afkooda ku qortaan. Fartaasi waa xuruufta loo
yaqaan Cismaaniya, waxaana loogu magac
darey magaciisa ah Cismaan. Fartaasi wexey tahay mid ku haboon codka
luqadda soomaaliga (phenologicaly). Isticmaalkeeduna wuxuu aad u soo shaac
baxay dagaalkii labaad kadib, markaas oo ey soomaalidu ku keydsadeen
qoraallo muhiim ah (taariikh iyo dhaqan) iyo akhbaar badan. Fartaani wexey
soomaalidu u sahashey in ey ku urursadaan suugaan badan oo taariikhi
ah sida gabeyadii la tiriyey xilligii uu socdey halgankii Daraawiishta iyo
silsiladihii gabeyadii GUBA. Waxaa kale oo fartaani ey ka soo qeyb
qaadatey halgankii gobannimo doonka oo aasaaskii Leegada waxaa wax lagu
qoran jirey fartan Cismaaniyada.
Martino Morelo oo
nin talyaani ah, wuxuu buugiisa (Il Somalo della Somalia) ku sheegey
in qoraalka Cismaaniyada uu yahay mid munaasib ku ah af-soomaaliga
markii laga eego meelo dhowr ah, matalan xuruufta uu af-soomaaliga u
baahanyahay oo laga wada helayo, ku dhawaaqista xuruufta, shaqalladeeda
iyo shibanayaasheeduba.
B. W. Andrezejewiski
oo ah luqadyahan (linguist) una dhashey Ingiriis, wuxuu Martino Moreno ku
raacey aragtiduu kaqabo farta Cismaaniyada. Sidaan soo sheegney, fartaasi
wexey soo shaac-baxdey iyada oo lagu jiro halgan gobanimo doon ah, wexeyna
markiiba ku faaftey dhallinyaradii Leegada aheyd dhexdooda, wexey noqotey
xuruuf ey halgankooda u adeegsadaan. I. M. Lewis oo arrintaas qiimeynaya
waxuu yiri "Cismaaniyadu wexey u shaqeysey sidii shey wax kala
sifeeya (catalist) wexeyna xafidey waxii ugu qiimo badnaa ee dhaqan ahaa
ee uu afka soomaaligu lahaa". Hadalkaas wuxuu Lewis ku qorey buugiisa
la yiraahdo (Modern history of Somalia).
Xirsi Magan Ciise oo
kamid ah ragga afhayeenada u ah farta Cismaaniyada, mar uu ardey ka ahaa
jaamacadda kolombiya (Colombia university) ee dalka Mareekanka, halkaas oo
uu ka qaatey shahaadada (bachelorŽs) sanadihii kontonaadkii, wuxuu ka
sheekeeyey, mar ey jaamacadda dhiganayeen in subax uu macaallin u soo
galey galaaskii, markaasuu wuxuu ku yiri ardadii : qof walba hasoo istaago
oo sabuuradda ha ku qoro afkiisa sida ey ku noqoneyso (good morning).
Xirsi wuxuu yiri waxaa fasalka fadhiya ardey ka kala yimid Carab, Jabaan,
Hindi iyo kuwo ka yimid Ugaandha. Ardadii mid walba waa uu istaagey oo
fartiisii buu wuxuu ku qorey (Subax wanaagsan) aniguna waxaan ku qorey
fartii Cismaaniyada. Ardadii kayimid dalka Ugaandha waa eey qori waayeen
oo maŽeeyan qabin far qoran oo ey isticmaali kareen. Halkaas ardadii ka
timid Ugaandha wexey dareemeen in ey ardada kale ka hooseeyaan. David
D. Laitin oo nin Mareekan ah in muddo ahna af-soomaaliga diraasaad ku
hayey wuxuu tilmaamayaa in waxa khasbayey dhallinyaradii u doodayey farta
Cismaaiyada ey aheyd (sida sheekada Xirsi Magan ka muuqata) iyaga oo
doonayey in ey muujiyaan in ey soomaalidu yihiin ummad jirta oo ummadaha
kale dhinac taagan. Run ahaantiina xilligeedii waa ey ka dhigtey ummad
jirta.
Dhibaatada ugu weyneed oo
ey farta Cismaaniyada la kulantey wexey aheyd dhaqan -qabiileedka
soomaaliyeed oo wax walba la saaro misaan qabiil. Fartii ayaa miisaan
qabiil la saarey, markaasaa ninkii qorey wuxuu yeeshey abtirsiinyo reereed.
Halkaas baa qaar kamid ah siyaasiyiintii soomaaliyeed wexey u arkeen
in fartaan ey tahay xuruuf reer leeyahay. Cismaan Yuusuf, Halkaas baa
waxaa laga heley iin uu ninkii doonaya kala diriro farta. Iintuna waa
iyada oo loo nisbeeyo magacii Cismaaniya qabiilka Cismaan Maxamuud ah.
Halkaas baa waxaa laga heley iin uu ninkii doonaya kala diriro farta.
Iintuna waa iyada oo loo nisbeeyo magacii Cismaaniya qabiilka Cismaan
Maxamuud. Dicaayadda noocaas ahi wexey fududeysey in ey abuuranto
mucaarado xoog leh oo diiddan xuruuftii Cismaaniyada. Waxaa kale oo
abuurmey rag dhallinyaro ah oo ey ku abuurantey in iyaguna ey sameystaan
xuruuf si ey ula loolantamaan fartan keligeed suuqa taal.Waxaase dhab ah
in xuruuftii Cismaaniyada, iyada oo mucaaradkeedu uu aad u xooggan
yahay in ey goysey masaafo dheer oo ey ku dhowaatey in ey qaramowdo.
Dhibaato kale oo fartaas hor istaagtey baa iyana jirtey oo wexey aheyd
dareen xagga diinta ka socdey oo xoog lahaa, kaas oo raadinayey in
af-soomaaliga lagu qoro xuruufta carabiga.
Dabayaaqadii sanadihii kontonaadkii waxaa soo xoogoobey raggii u
ololeynayey in af-soomaaliga lagu qoro xuruufta laatiinka.
Waxaa raŽyigaas difaacayey ragaqoonyahanno ah iyo kuwo kale oo kamid ahaa
raggii halgankii Leegada wax kaga jirey. Wexeyna u arkeen labo sababoodba
in loo qaato xuruufta laatiinka ah. Iyada oo aanan tabar dhaqaale looheyn
in la helo madbacado iyo makiinado qora xuruufta Cismaaniyada iyo iyada oo
eeyan jirin qabiil si gaar ah u sheegan kara xuruufta laatiinka. Waxaa
raggaas markii dambe hormood u ahaa Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal.
Muuse markiisii hore wuxuu ahaa ragga diidan xuruufta laatiinka ah.
1954-kii mar uu London wax ku baranayey wuxuu soo saari jirey qoraallo
af-soomaali ah oo ku bixi jirey xuruuf carabi ah. Muuse wuxuu hadda kahor
yiri : " xuruufta laatiinka wexey innagu dhex abuureysaa dhaqan ku
saleysan dabaqad, taasina waa mid u adeegeysa dabaqadda aqoonta leh oo
keliya iyo dadka tirada yar oo xukunka haya. Arrintaasina wexey
mustaqbalka sababeysaa aayatiinxumi ku timaada soomaalida ". Waxaa
iyana jirtey mashruuc ey heyŽadda UNESCO waddey oo soo shaac baxay
sanadkii 1966-kii oo ey rabtey in ey xuruuf laatiin ah u
sameyso af-soomaaliga, waase socon waayey.
Xuruufta carabiga
soomaalida badankood waa ey yiqiineen, wexeyna ka baran jireen dugsiyada
quraanka caruurnimadooda sida dhaqanku yahay. Waxaase dadka
soomaalida ahi dhib ku ah afka carabiga. Intaanan dowladaha khaliijka loo
shaqa tegin lama aqoon carabiga. Waxaa kale oo jirey, xataa hadduu qofku
yaqaan xuruufta carabiga waxaanan u sahlaneyn in uu af-soomaali ku akhriyo
xuruuftaas. Midda keliya oo uu carabigu kaga sito labada xuruuf oo kale
wexey aheyd, carabigu markiiba wuxuu markiiba heli karey dad qaada oo
dadka bara iyo kuwo soo dhoweeya ee barta, waayo diin ayaa laga raadinayey.
Mana eeyan jirin reero sheegan karey iyo kuwo reer ku ximiya midkoodna.
Xoogga ugu weyn ee fikraddan wadey wexey ahaayeen odeyaal ganacsato ah oo
bariga-dhexe ku xirraa. Odeyaashaa waxaa laŽoranjirey xaajiyaal, waxaana
kamid ahaa Xaaji Yuusuf Cigaal, Xaaji Diiriye, Xaaji
Cabdiraxmaan Garyare, Xaaji Maxamuud Cabdulle Dirir. Raggaasi
oo rag xoolo iska leh ahaa, dhinacooda ayey ka cadaadinayeen maamulkii
Leegada (SYL) in uu qaato farta carabiga. Xoog kale baa isna jirey oo
arkayey in farta carabigu tahay waddada isku kaaya xireysa bulshooyinka
carbeed, kuwaas oo aanu u baahannahay inaan gacan ka helno si aanu uga
kaashanno dagaalka aanu kula jirno cadowga soojireenka ah ey soomaalidu
leedahay, cadowgaasina waa Itoobiya. Waayo Itoobiya marwalba wexey gacan
kaheshaa dunida masiixiyadda. Wadaaddadu wexey ahaayeen kuwa mideynayey
xoogaggaas rabey carabiga.
Dagaalkii 2-aad
markuu dhammaadey baa J. Q. K. Wexey guddoonsatey in Soomaaliya la siiyo
istiqlaal, muddo 10 sanadood ahna loo diyaariyo in ey iyadu is
maamusho. Talyaanigii wuxuu ku guuleystey in uu isagu noqdo dowladdii
adduun weynaha wakiil uga noqon laheyd Soomaaliya 10-kaas sanadood.
Muddadaas 10-ka sano ah baa waxaa dalka ka dhismey muŽasasaadyo
siyaasadeed (political institutions) oo madax bannaan, kuwaasoo ku
tartamayey ka qeybqaadashada dowladdan cusub iyo isu diyaarinta dowladda
xorta ah ee imandoonta. Waxaa xilligaas aasaasmey xoog dhexe ee
siyaasadeed (dowlad), waana markii ugu horreysey taariikhda soomaalida oo
la heley nadaam noocaas ah. Maamulkii Talyaaniga ee halkaasi ka jirey
wuxuu ku dadaaley in xuruufta carabiga iyo tan Cismaaniyada eeyan noqon
kuwo af-soomaaliga lagu qoro. Sanadkii 1949-kii wargeys Xamar ka soo
bixi jirey oo la yiraahdo (Nuovo Giornale) baa wuxuu soo qorey
maqaal uu cinwaan uga dhigey (Il problema della lingua Somala). Ninka
qorey waa uu is qariyey wuxuuna maqaalkaas kaga cabanayey faragelinta uu
Talyaaniga ku hayo qorista farta af-soomaaliga. Wuxuu qoraagu codsadey in
dadka soomaalida ah loo daayo howlaha la xiriira afkooda hooyo iyo
qoristiisa. Talyaaniga oo arrintaas ey ku weyneed marna kama uusan harin
in uu talo ku yeesho howshan, wuxuuna dhisey guddi howshan diyaariya kuna
xiran
isaga. Dhismaha guddigan wuxuu dhacay intaanan la dhisin golihii degaanka
(Territorial Council), si uusan goluhu wax raŽyi ah ugu yeelan guddiga
far-soomaaliga.
Talyaanigu wuxuu rabey in
uu abuuro luqad uu isagu saameyn ku leeyahay, taas oo looga shaqeeyo
xafiisyada dowladda, dugsiyadana lagu dhigto. Talyaaniga waxaa ka horyimid
mucaarado adag oo uu xooggeedu ka imanayey dhallinyaradii Leegada, kuwaas
oo qodobadey degsadeen kiisa 4-aad uu dhigayey in la dejiyo barnaamij lagu
horu marinayo afka soomaaliga iyo in farta Cismaaniyada loo qaato xuruuf
lagu qoro af- soomaaliga. Ragga qodobkaas fulintiisa ey Leegadu u
xilsaaratey waxaa odey u ahaa Yaasiin Cismaan Yuusuf. Yaasiin wuxuu
ahaa ninka ka dambeeyey siyaasaddii Leegada ee sanooyikaas hore qeybteedii
ku wajahneyd qorista af-soomaaliga.
Yaasiin wuxuu ku dhshey
magaalada Hobyo 1919-kii. Halkaas oo caruurnimadii uu ku bartey
quraanka. Magaalada Xamar wuxuu yimid markuu jirey 15 sano, markaas oo uu
bilaabey in uu barto carabiga iyo talyaaniga
Xilligii uu Ingiriisku dalka joogey Yaasiin wuxuu bartey afka ingiriisiga
Xilliyadaas buu wuxuu u istaagey in uu xoojiyo in farta Cismaaniyada ey ku
faafto dalka. 1949-kii Yaasiin wuxuu ahaa ninkii lahaa talooyinkii ey
Leegada u kaalmeystey xagga dhaqanka. Talooyinkaas waxaa kamid ahaa
:
1 - in la baaro lana ururiyo dhammaan buugaagta ka hadlaya af-soomaaliga,
iyo in la badiyo lana faafiyo buugaagtaas.
2 - in diraaso lagu sameeyo sidii loo heli lahaa xuruuf soomaaliyeed (far-soomaali)
oo qoran.
3 - in afka soomaaliga loo isticmaalo xiriirrada bulsho ee kala duwan.
6 - buugaagta qiimaha leh oo ey dadyowga kale qoraan in lagu turjumo
af-somali.
9 - af-soomaaligu waa in lagu dhigaa dugsiyada dalka.
10- in la baadi goobo qalabkii loo adeegsanlahaa in lafaafiyo buugaag
af-soomaali ku qoran.
Waxaa nasiib darro noqdey
dhaqdhaqaaqii uu Yaasiin bilaabey ee farta Cismaaniyada in uu dhexgaley
loolankii Leegada dhexdeeda ka socdey ee 2-da xoog (qabiil) dhexyiil,
kuwaas oo ahaa (xoogga Hawiye iyo xoogga Daarood) Xooggii Daaroodka wuxuu
ku yaraa maamulkii uu Talyaanigu sameeyey ee maxmiyadda ahaa, sidaa
darteed buu wuxuu lumiyey awoodii uu Leegada ku heystey. Bishii Meey
1949-kii Xaaji Maxamad Xuseen baa waxaa loo doortey in uu
Leegada odey (president) ka noqdo. Xoghayena waxaa loo doortey
Cabdullaahi Ciise. Xaaji Maxamad Xuseen wuxuu u dhashey reer Xamar,
Cabdullaahi Ciise isagu waa (Sacad - Hawiye). 2-daas masuul
midkoodna marabin farta Cismaaniyada in ey noqoto mid soomaalidu ey wax ku
qorato.
Taasi wexey dhalisey isbeddel xoog leh ee ku yimaada barnaamijkii Leegada
ee ku wajahnaa qorista afka soomaaliga. Xaaji Maxamad Xuseen oo 3 sanadood
keliya ayuu hayey xafiiskii maamulka Leegada, wuxuuna raad xoog leh ku
yeeshey siyaasaddii qorists af-soomaaliga. Xaaji Maxamad wuxuu watey
aragti u janjeerta carabta (Naasiriya). Wuxuu u safri jirey Qaahira,
halkaas oo uu raadiyaha Qaahira ka sii deyn jirey barnaamij ah dicaayadaha
reer galbeedka. Dagaalkii uu Xaaji Maxamad qaadey wuxuu Leegadii ku reebey
2 arrimood :
1 - In aan fartii Cismaaniyada loo aqoonsan xuruuf af-soomaaliga lagu qoro.
2 - Af-soomaaliga in uusan noqon afka ey Leegada ku shaqeyneyso (official
language), bal uu af-carabigu noqdo afka rasmiga ah.
Bishii abriil 1950-kii, waraaq
(memorandum) ka soo baxdey xafiiska maamulka Leegada wexey sheegeysey in
ey soomaalidu guddoonsadeen in afka carabigu uu noqdo afka Soomaaliya laga
qoro, kaas oo ey dadyowga kalena isku fahmaan (internatinal language)
waraaqdaas wexey ku socotey maamulihii talyaaniga oo magaciisa laŽoranjirey
Fornari. Waraaqdu wexey sheegeysey qodobadan hoos ku qoran :
1 - Xoghayaha guud ee ururka Leegada Cabdullaahi Ciise, dhowaan wuxuu socdaallo
ku soo marey dalka oo dhan. Xoghayuhu wuxuu baarey lahjadaha kala duwan oo
ey soomaalidu ku hadlaan, kamana uusan helin mid laga cabbir-qaadan karo
si loogu qoro afka-soomaaliga.
2 - Afka carabiga oo ah mid ey xuruufttiisu aad u badantahay, waxaa adag
in af-soomaali lagu turjumo. Haddaba haddey soomaalidu u suurto-geliweydey
in ey habeystaan afkoodii hooyo, waxaa nala haboonaatey in luqada carabiga
ey noqto luqada caamka ah, taas oo soomaalida fursad u siineysa in
ey is af-fahmaan dadyowga dunida kula nool. Waxaa kale oo afka
carabigu u kexeynayaa (oo uu tusinayaa) dadka soomaalida ah badweyn dhaqan
ah oo aan xad laheyn. Waxaa kale oo luqada carabiga aanu ka heleynaa
iskaashi dhaqan iyo mid siyaasadeed oo aannu la yeelanno dalalka muslinka
ah ee aan walaalaha nahay. Kuwaas oo aanu wada rumeysannahay Ilaah keliya,
rasuulkiisa Maxamadah (s. c. w.) iyo kitaabka muqaddaska ah ee quraanka.
Arrintaasi
wexey baansiin kusii shubtey khilaafka aragtiyeed ee ka dhexeysey Xaaji M.
Xuseen iyo Yaasiin Cismaan. Waxii maalintaas ka dambeeyey wargeysyadu
wexey soo qori jireen maqaallo ey isaga soo horjeedaan ragga labada aragti
kala qaba. Xaaji M. Xuseen wuxuu mar walba sheegi jirey in afka carabiga
uusan aheyn mid ajnebi kuŽah dalka Soomaaliya, wuxuuna ku eedeyn
jirey Yaasiin in uu wato aragti reer Yurub Taasaana ka dambeysa fikradda
daafaceysa farta Cismaaniyada. ahna raggaas bey ka socotaa.
Yaasiin isaga oo
taas ka jawaabaya wuxuu qoraalladiisa ku qori jirey in uu ogsoonyahay in
luqadda carabiga ey tahay luqaddii diinta Islaamka, Islaamkuna uu yahay
diinta ey dadka soomaalida ahi aaminsanyihiin,
laakiin haddaan soomaali nahay carabigu maahan luqadayadii koowaad, mana
ahan afkayaga hooyo. Wargeys Xamar kaas oo bixi jirey oo laŽoranjirey (Corriere
della Somalia), iyada oo hadalka Yaasiin dabataagan baa nin
reeraha X.Maxamad ah wuxuu soo qorey maqaal markey taariikhdu aheyd
20/6-1952-kii, kaas oo uu ku sheegayo in rerka uu Xaaji M. Xuseen ka
dhashey ey mararka qaar u arkaan af-soomaaligu in uu agtooda ka yahay
luqad ajnabi. 24/7-1952-kii golihii fulinta ee Leegada wexey guddoonsadeen
goŽaan ey faafiyeen oo ah " luqadda carabiga waa luqadda dalkan
waana luqadda ey Leegada ku shaqeyneyso waana luqadda dadweynaha
soomaaliyeed. Luqaddan carabiga ah Ilaah baa ina siiyey, waana taanu ku
dhexgeleyno dunida Islaamka
".
Buugga layiraahdo
(politics, Language and Thought) ee uu qorey D D. Laitin wuxuu ku sheegey
(safxadda 99-aad) in ey jirtey heshiis qarsoodi ah ee 1951-kii
dhexmarey masuuliintii Leegada iyo maamulkii Talyaaniga.
Heshiisku wuxuu ahaa luqadaha dalka lagaga shaqeeyo ey noqdaan Carabi iyo
Talyaani. Halkaas waxaa ka muuqata, carabiga loo doodayo in uu yahay oo
keliya talyaaniga oo loo gogol-xaaro. Waayo talyaaniga si toos ah
loollanka uma soo geli karo oo waxaa loo arkaa luqad isticmaar.
Cismaaniyada oo aad u faafsaneydna habka keliya oo looga hortegi karey waa
iyada oo carabiga laqaato. Heshiiskaasi wuxuu si dhab ah u wiiqey fartii
Cismaaniyada.
Xilligaas 2
arrimood baa isbiirsadey, midi waa ururada diiniga ah oo xoog lahaa, midda
kalena waa dowladda masaarida oo aad u xiiseeneesey in ey Soomaaliya
noqoto dal afka carabiga lagaga hadlo. J. Q. K. mar ey damacdey in ey
horumariso qorista af-soomaaliga, nin masaarida u fadhiyey halkaas baa
wuxuu sheegey in ey tahay loofarnimo in luqad cusub loo raadiyo soomaalida.
In laqaato luqadda carabiga xilligaas raŽyi xoog leh buu ahaa. Waxaa kale
oo xooganaa ururada raŽyigan raacsanaa, wexeyna ahaayeen odeyadii leysku
oranjirey xaajiyaal iyo urur laŽoranjirey (Somalia Conference).
1952-kii Xaaji
Maxamad Xuseen wuxuu u safrey Qaahira. Jinaaxii reeraha Hawiye ee Leegada
aad buu u xoogoobey, doorashadii ey S. Y. L. gashey 1956-kii waxaa
muuqatey qolada codkoodu badnaa in ey iyagu ahaayeen. Doorashadaasna waa
tii u dambeysey ee uu talyaanigu dabadeed sallimi lahaa talada. Maamulkii
talyaaniga wuxuu Cabdullaahi Ciise u doortey raŽiisul
wasaarihii ugu horreeyey taariikhda oo ey dowlad soomaaliyeed yeelato. Aadan
Cabdulle Cismaan wuxuu heley doorashadii loogaley xafiiska
Leegada. Halkaas
waxaa maamulkii gacanta ku dhigey siyaasiyiin katirsan beelaha Hawiye,
talyaaniguna taas ayuu fadilayey. Nin talyaani ah oo la yiraahdo (Castagno)
oo arrintan wax ka qorey wuxuu sheegey " markii uu ingiriisku ku
guuleystey Soomaaliya wexey muujiyeen in ey xiriir fiican la yeeshaan
beelaha Daaroodka ah, halka uu maamulkii talyaaniga ahmiyadda siiyey
beelaha Hawiye" (fiiri Castagno pp 523-22) .
Guushii ey
heleen 2-daas siyaasi wexey dhaawac weyn ku noqotey fartii
Cismaaniyada. Markiiba wexey fuliyeen guddoon ahaa in luqadda carabiga ey
noqoto tan ugu xoog badan dalka Soomaaliya. Waxaa kale oo ey
guddoomiyeen in dadka xubnaha kaŽah ururka Leegada in laga mamnuuco
xuruuf kale in ey wax kuqoraan. Taasi wexey muujisey isbedel ku yimid
fikraddii hogaamiyayaashii ururkii Leegada. GoŽaankaasi wuxuu dhaliyey,
Cabdullaahi Ciise oo raŽiisul wasaare ah sanadkii 1957-kii mar uu
isku deyey in uu maqaalaad ku soo qoro wargeys Xamar ka soo baxi jirey,
maqaalaadkaasi wexey ku qornaayeen af-soomaali wexeyna ku soo bexeen
xuruuf laatiin ah, kadib markii uu 2 maqaal qorey waxaa ka horyimid
dadweynihii oo ku khasbey in uu joojiyo.
10-kii sano ee
dowlad hoosaadka la heystey, doodihii ugu waaweynaa ee dalka ka dhacayey
wexey ku saabsanaayeen qorista dejinta xuruuf af-soomaaliga lagu qoro iyo
qaadashada afka carabiga. Yaasiin Cismaan wuxuu marwalba sidey calanka
Cismaaniyada. Isku si buuna u difaaci jirey xilliyadii kala duwanaa ee la
soo marey, haddey ahaan laheyd bilowgii 50-aadkii ee uu maamulkii
talyaaniga isballaarinayey iyo haddey ahaan laheyd dorashadii 1956-kii
wixii ka dambeeyey. 7/3-1952-kii waxaa jirey maqaal uu Yaasiin ku qorey
wargeyskii (Corriere della Somalia), maqaalkiisaas wuxuu cinwaan uga
dhigey " La nostra lingua modre " wuxuuna ku caddeeyey in
soomaalidu ey ummadaha kaga duwantahay iyaga oo ku hadla luqad qura. Wuxuu
isbarbar dhigey luqadaha ingiriiska, talyaaniga iyo faransiiska si uu u
muujiyo in lahjadaha af-soomaaligu ey yihiin luqad mid ah ee aan weli kala
farcamin. Wuxuu mataal u soo qaatey wadamo Islaam ah sida Baakistaan,
Iiraan iyo Indooniisiya, isaga oo muujinaya in aad luqadaadii xafidan
karto adiga oo luqadii diintaadana (carabiga) baranaya. Wuxuu maqaalkiisii
ku soo gabagabeeyey, caruurta oo yaraantooda labaraa luqad ajnabi
wexey la macna tahay adiga oo siiyey wax qiimaheedu uu liito, markii
loo eego barashada afkooda hooyo, taariikhdooda iyo halyeeyadooda. Wuxuu
tilmaamey in kuwan yaraantooda af-talyaaniga bartaa ey u arkaan afkii
soomaalida luqad ey ku hadlaan " dad aanan akhlaaq laheyn oo aanan
wanaagsaneyn ", kuwa carabiga bartaana ey u arkaan af-soomaaliga af
ey leeyihiin " dad diinta kadheer ee xagga Ilaahey dembiilayaal
ka ah ", kuwa ingiriisiga bartaana ey inoo arkaan
" dad sabool ah ee hooseeya ". Sidaas buu Yaasiin wuxuu ku
noqdey nin difaaca oo u dooda guud ahaan af-soomaaliga, dareenkaasna wuxuu
heley xilli uu af-soomaaligu u baahnaa in laga difaaco luqado duulaan ku
ahaa oo loo diyaariyey in ey booska af-soomaaliga iyagu galaan. Waxaa
luqadahaas safka hore kaga jirey carabiga iyo talyaaniga, garaadka dadka
soomaaliyeedna ma gaarsiisneen in ey arkaan waxaan ku soo socda.
|